Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa markale ku celiyey in Wasaaradiisa mid aan aheyn aysan qaban karin lacaha dowladda.
Waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay masuul ka tahay aruurinta lacagaha,isla markaana la diidayo in Wasaarad walba ay yeelato Goob lacagaha lagu qaado.
Hayeeshee uu sheegay in taasi looga gol leeyahay in lacago badan ay Wasaaradaha kale soo gudbin waayaan ama la waayo intaba.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxaman Ducaale Beyle ayaa dhowr mar ku cel celiyey inay korortay Daqliga ay soo xareyso Wasaaradiisa,isla markaana ay dhowdahay in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay.