Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu shir ku dhexmari doono Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo mamulka Somaliland.
Hayeeshee waxaa wararkaas been abuur ku tilmaamay Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Dr.Nuur Diiye Xirsi Fuursade,isla markaana waxaa uu sheegay in uusan jirin wax shir ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
Intaasi ayaa waxaa uu ku daray Agaasime Dr.Nuur in dowladda Federalka ay dhab ah ka tahay in wadahadallo sax ah oo dhexmara maamulka Somaliland,taasi ay u baahan tahay waqti ku wanaagsan inay ku dhacaan arrimahaas.
“Wakiilo ka socda dowladda Somalia, kama qeyb galayaan kulanka la filayo ee kalsooni dhiska magaalada Nairobi. Si kasta ha ahaatee waxaan xaqiijineynaa in dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay Somaliland la gasho wadahadal dhab ah marka iyo waqtiga ku haboon oo la isku waafaqo dadka ka qeyb galaya.” ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada.
Sikastaba qaar kamid ah Warbaahinta gudaha ayaa baahiyay in Maanta Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uu ka dhici doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,isla markaana ay soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).