Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa wafdi uu hoggaaminayo in ay gaaraan magalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Guddoomiye Mursal ayaa safarkiisa waxaa ku wehlin doona xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana ujeedada safarkiisa lagu sheegay wadatashiyo uu la sameyn doono xildhibaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale masuuliyiinta sar sare ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa la filayaa in kulan la qaato inta uu ku sugan yahay Magalada Baydhabo,si loo adkeeyo xiriirka dowladda federaalka iyo koonfur Galbeed.
Magalada baydhabo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta guddoomiyaha golaha shacabka,iyada oo Ammaanka magalada Baydhabo maanta aad loo adkeeyey,waxaana magalada lagu arkayaa ciidamada booliska gaarka ah ee koonfur Galbeed oo meel walba taagan