Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta qorshuhu ahaa in ay yeeshaan kulankooda caadiga ahaa,kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista xeer hoosaadka Golaha Shacabka basle uu baaqday.
Sababta uu kulanka u baaqday ayaa Wariyeyaasheena oo tegay xarunta waxa ay ku sheegeen inay tahay Kooram La’aan,isla markaana aysan Xarunta imaan tiradii loo baahnaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waa markii ugu horeysay ee uu kooram la’aan uu u baaqdo kulan ka mid ah kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya,isla markaana looga doodi lahaa siiwadista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Hab-dhawrka Golaha Shacabka ayaa akhriyay dhammaan magacayada xildhibaannada maqan, si loo dareensiiyo bulshadii ay matalayeen xaaladda saxda ah ee xildhibaannadooda.
Horay ayaa waxaa u jirtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood lagu eedeynayay inay marwalba soo xaadirin kulamada Baarlamaanka,isla markaana dalalka dibada qaarkood ay u damaashaad tegayaan.