Sir Mo Farah oo sheegay inuu yahay Orod-yahan nadiif ah, una jawaabay Wargeyska The Sunday Times

Orod-yahanka Somali-British-ka ee Mxamed Mukhtaar Jaamac Mo Farah waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadalo uu ku beeninayo Wargeyska The Sunday Times oo ku eedeeyey Tababarihiisa Maraykanka, Alberto Slazar inuu jebiyey Xeerarka lagula dagaalamayo Daawooyinka kordhiya Murqaha xilliga la ordayo.

Wargeyska ayaa soo xigtay Warbixin ay u soo dusisay Hay’adda Maraykanka ee La-dagaalanka Daawooyinka ay Ciyaartoyda isticmalaan, taasi oo ku taakriikheysnyd bishii March ee sannadkii 2016-kii, taasi oo ku eedeysay inuu Tababare Alberto Slazar  si joogto ah Ciyaartoyga Mo Farah u siin jirey daawadaasi, sabab la’aan oo dhinaca Caafimaadka.

Wargeyska The Sunday Times waxaa laga yaabaa inuu Warbixintaasi u soo gudbiyey Kooxda Rashiya ee jabsata Xogaha Kombiyuutarada ee  isku magacowda Fancy Bears.

Mo Farah, War Qoral oo uu kaga jawaabayo Eedeynta Tababarihiisa soo dhigay Barahiisa Twitter-ka iyo Fcebook, wuxuuna mar kale xaqiijiyey inuusan marnaba jebinin wax Sharci ah.

Muwaadinka Somali-British-ka waxa uu tilmaamay inuusan marnb samaynin wax qalad ah.

“Waxaan ahay Orod-yahan nadiif ah, oo aan marnaba jebinin Sharciga ee la xiriira walxaha, hababka ama qaadashadda wax kasta oo mamnuuc ah, oo ay qaar ka mid ah Warbahinta sheegaan, inkastoo aysan xaqiiqo ahayn” ayuu yiri Mo Farah.

Sannadkii 2015-kii, Guddi Baaritaan oo Madax-bannaan waxay Mo Farah iyo Tababarihiisa  ka waayeen wax caddaymo oo muujinaya inay Dawooyinka mamnuuca isticmaaleen.

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka Britain waxay dib-u-eegeen arrintaasi, lamana helin inuu Mo Farah sameeyey wax qalad ah.

It’s deeply frustrating that I’m having to make an announcement on this subject. I am a clean athlete who has never broken the rules in regards to substances, methods or dosages and it is upsetting that some parts of the media, despite the clear facts, continue to try to associate me with allegations of drug misuse.

I’m unclear as to the Sunday Times’s motivations towards me but I do understand that using my name and profile makes the story more interesting but its entirely unfair to make assertions when it is clear from their own statements that I have done nothing wrong. As I’ve said many times before we all should do everything we can to have a clean sport and it is entirely right that anyone who breaks the rules should be punished. However, this should be done through proper process and if USADA or any other Anti-Doping Body has evidence of wrongdoing they should publish it and take action rather than allow the media to be judge and jury.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media