Wararkii ugu dambeeyay Askartii Dowladda ee Doonta kula degtay Xeebta Marka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya doontii ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku degtay Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Doontan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay la socdeen 18 Askari oo uu ku jiray Taliyaha Ururka labaad ee Guutada 14-ka Octobar ee Ciidanka Xoogga Cusmaan Muuse Maxamed,waxaana ay doonta kula degtay inta u dhexeeysa Marka iyo Jilib-marka.

Sidoo kale Ciidankan oo safar dhanka Badda ah ku jiray ayaa waxaa laga soo badbaadiyay 13 Askari,halka weli 5 Askari iyo guud ahaan hubkii Ciidamada lagu la’yahay Badda.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in uu socdo baadi xoogan oo loogu jiro sidii loo heli ahaa Askarta weli ku maqan Badda,waxaana Muqdisho laga diray dhowr doomood oo lagu raadinayo Askartaas.

Ciidankaan ay la dagtay doontii ay saarnaayeen ayaa la xaqiijiyay in ay ku socdeen safar dhanka Badda ah oo ay ku doonayen inay ku yimaadan Muqdisho, kadib markii ay adkaatay isu socdka wadada  xiriirisa Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab miinooyin ku aaseen wadada xeebta ee Marka iyo Muqdisho isku xirta.

Comments
Loading...