Akhriso:-Qodobada looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 30 Bisha Octoober 2019 ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah midkii lixaad ee Golaha Shacabka ayaa saacadaha soo socda furmi doona Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Ajandaha Kulanka ayaa Ah Akhrinta 3aad ee Wax ka Badelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Akhrinta 3aad Wax ka Badelka Sharciga Furdooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media