Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dib u habeyn ku sameeyey Garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Banaadir, isagoo dalacsiin iyo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Garsoorayaasha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare markuu arkay baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka Gobolka Banaadir, isla markana uu la tashaday masuuliyiinta ay quseyso arintaan, waxaa u soo saaray wareegtadan.
Digreetada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka waxaa Warbaahinta u Akhriyey Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.