Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Galmudug, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa dhamaantood waxaa ay ka tacsiyeeyeen geeridii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo saakay ku geeriyooday Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.
Qoraalo kasoo baxday Xafiisyada Madaxda maamul Goboleedyada ayaa waxaa tacsi loogu diray qoyska, qarabada, Asxaabta iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Nuur Cadde oo u geeriyooday Cudurka halista ee Coronavirus.
Sidoo kale Madaxda Maamulada ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, Simar iyo Iimana kasiiyo qoyskiisa.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedyada kasoo kala baxay Maamul Goboboleedyada.
Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsiyo u direy Eheladii, Qarabadii iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) Ra’iisul Wasaarihii Hore Soomaaliya oo ku geeriyooday Dalka UK gaar ahaa Caasimada London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Puntland.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni “Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Allaah ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London Waxaan marxuumka Allaah uga baryayaa naxariistiisa Janno, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”
Jubbaland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskiisa uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya.
Madaxweynahu wuxuu marxuumka Allaha uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo isagoo sheegay in lagu xusuusto doorkii uu ku lahaa Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya isagoo dhexda u xirtay xiliyo adag sidii uu dalka u samata bixin lahaa.
Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlaya Afka Golayaasha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Shacbka ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha Naxariistee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingariiska.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Nuur Cadde.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo horumarka hadda la heysto uu qeyb ka ahaa.
Ugu dambeyntii Madxaweyne Waare Alle uga baryay Marxuum Nuur Cadde inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Galmudug.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor “Allaah ha u naxariisto Reysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (NuurCade) Samir iyo Iimaana Allah ha naga siiyo dhammaanteen Marxuumku wuxuu xilli adag u soo shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed, waxaana Allaah uga baryeyna inuu janadiisa ka waraabiyo.”