Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi waxay maanta cod aqlabiyad leh dib ugu doorteen Guddoomiyihii Barlamaanka ee dalkaasi, Cali Larajaani oo xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 2008-dii.
155 Cod oo ka mid ah 274-ka Xildhibaan ayuu helay Guddoomiyaha Barlamaanka dalkaasi, iyadoo Labadii Murashax ee la tartamaysay kala heleeen 105 cod iyo 9 cod oo keliya.
Sidoo kale, Ku-xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Barlamaanka dalkaasi waxaa loo doortay Mascuud Pezeshkiyan, halka Ku-xigeenkana loo doortay Cabdul-resa Meseri.
Dhinaca kale, Guddoomiyahay la-doortay ee Barlamaanka ee dalkaasi, Cali Larajaani waxa uu horey u soo noqday Xoghayaha Golaha Srae ee Amniga Qaranka Iiraan, ka hor inta aan Xildhibaanimo looga soo dooranin magaalladda Qoom oo ah magaalladda 7-aad ee ugu ballaaran dalka Iiraan.