Hay’addaha Ammaanka ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan 40 qof oo Shahaadooyin Jamacadeed oo la been abuuray u adeegsaday inay shaqo k uhelaan ama ay Xilal sare ka qabtaan Hay’addaha Dowladda, gaar ahaan kuwa Amniga. Fadeexaddan ayaa soo shaac baxday, kadib, markii la arkay Askar badan oo shaqooyinka ku soo codsaday Shahaadooyin heer Jaamacadeed oo la been abuuray oo ay si aan sharci ahayn ku heleen.
Telefishinka Lubnaan ee LBCI ayaa baahiyey in Shaqsiyaadka heerka sare ee watay Shahaadooyinka been abuurka la qabtay bartamihii bishii la soo dhaafay ee March, kadib, markii la xiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Tacliinta Sare ee dalkaasi, Axmed Al-jamaal iyo xubin ka mid ah shaqalaha wasaaradaasi.
Labada Eedeysane waxaa la sheegay inay ku xad-gudbeen Sharciga, isla markaana ay oggolaadeen lacago Laaluush oo ay ku bedesheen inay Shahaadooyin rasmi ah ka iibiyaan dad aan Arday ahayn.
Magacyadda dadka laga iibiyey Shahaadooyinka iyo Lacagaha lagu iibsaday Shahaadooyinkaasi.
Balse, qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen in Halkii Shahaado Jamaacdeed lagu iibiyo dhowr kun oo Dollar.
Hay’addaha Ammaanka ee dalka Lubnaan waxay kaloo baaritaano ku hayaan 4 Jaamacadood oo lala xiriirinayo inay si aan sharci ahayn u iibiyaan Shahaadooyinka Heerarka Jaamacadaha ilaa Bachelor degree.
Afarta Jamaacadood ee lagu helay Kiisaska shahaadooyinka been abuurka ayaa waxaa lagu kala sheegay:
Saida University College,
The American University of Culture and Education,
The Lebanese French University iyo
The Arts, Sciences and Technology University in Lebanon (AUL) oo uu weli ku socdo baaritaan, iyadoo la xiray Hormuudkii Jaamacadaasi.
Dalka Lubnaan waxaa ku yaalla Jaamacaddo fara badan, oo ay ku jiraan 41 ka mid ah Jamaacaddaha ugu wanaagsan Gobalka (the best Unicersities in the region)
Xisbiyadda dalkaasi waxa uu midba kan kale ku eedeeyaa Musuqmaasaq, tan iyo markii la dhisay Dowladda cusub dabayaaqadii bishii Janaayo ee sannadkan.
Mid ka mid ah hadafka ugu weyn ayaa ah in la kordhiyo Daah-furnaanta arrimaha bulshadda.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Lubnaan waxa uu Kaalinta 138-aad kaga jiraa 180-ka Waddan ee ay ka jiraan Musuqmaasaq daran.