Guddiga Madax banaan ee Doorashooyinka qaranka ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ka bilaabay soo xulista xubnaha ka mid noqonaya Xafiiska Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Jubbaland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Xaliima yarey oo ku sugan Kismaayo oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in ay bilaabeen soo xulista xubnaha ka mid noqonaya Xafiiska guddiga doorashooyinka Jubbaland,isla markaana meel wanaagsan ay marayaan soo xulista.
“Ilaa hadda waxaan soo xulnay Saddex Qof waana soo cadayn doonaa dadka ay noqdaan,waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee dowlad goboleedka Jubbaland noola shaqeysay” ayay tiri Guddooomiyaha doorashooyinka Qaranka.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Xaliima yarey ayaa tilmaamay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan cidii kusoo baxda Imtixaanka loo galay kamid noqoshada Xafiiska Guddiga doorashooyinka ee Jubbaland.
Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo Bisha 8-aad ee Sanadkaan 2019.