Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka u furmay Guddiga joogtada ayaa waxaa Shir guddoominay Guddoomiyaha Golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiga.
Ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa.