Al-shabaab oo la wareegay deegaan muhiim ah oo ku dhow Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan deegaan hoostaga Magaalada Boosaaso ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay isaga baxeen Ciidamada maamulka Puntland ee ku sugnaa.

Deegaanka Af Urur oo hoostaga Boosaaso ayaa waxaa gebi ahaanba isaga baxay Ciidamadii Puntland,isla markaana waxaa durbo la wareegay dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa meel ku dhow deegaankaas.

War qoraal oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegeen in wax  dagaalka ah uusan ka dhicin,isla markaana ay la wareegeen gacan ku heysnta deegaanka ,kadib markii ay ka baxeen Ciidanka kuwa Puntland.

Dhinaca kale waxaa lagu waramayaa in Ciidamadii isaga baxay deegaanka Af Urur oo ah deegaan istiraatiiji ah ay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Carmo ee Gobolka Bari,la mana oga sababta ay uga baxeen halkaasi.

Weli ma jiro wax war ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan la wareegitaanka Al-shabaab deegaanka Af Urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso iyo ka bixitaanka Ciidankooda deegaankaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media