Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta -gareen) ayaa guddi xaqiiq raadin ah u magacaabay shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay Magaalada baydhabo.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafata –gareen ayaa lagu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood,kuwaasi xaqiiqo dhab ah ku sameeyn doona shaqaaqooyin ka dhacay Magaalada Baydhabo xiligii loo diyaar garoobayay Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Shaqaaqooyinkaasi ayaa dhacay intii u dhexeeysay 13-15ka bishii December 2018,kuwaasi oo sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac,waxaana dadkii ku dhintay kamid ahaa Xidhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii loo diyaar garoobayay Doorashadii Madaxweynaha KGS ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo ka dhashay Xarig loo geysaty Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,kaasi oo kamid ahaa Musharixiintii u tartamayay Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Baydhabo ee uu ku guuleystay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafata -gareen.
Hoos ka Akhriso Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.