Musharax Saadiq Eenow oo ka mid ahaa musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida xilka Madaxweynaha Puntland doorashada dhawaan ka dhaceysa Magalada Garoowe.
Musharax Saadaq eenow oo Shir jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayaa sheegay inuu u tanaasulay musharax Cali Ciise Cabdi oo maalmo kahor ku dhawaaqay inuu doorashada ka qaybgalayo.
Arintan ayaa imaaneysa Saacado ka dib markii Guddiga Doorashooyinka Puntland ay soo andhigeen Shuruudaha musharaxiinta taas oo ay qeyb ka tahay in musharax walba laga doonayo in uu bixiyo 20,000 oo Dollar
Saadaq Eenow ayaa horay doorashadii 2014kii sidaan oo kale tanaasulay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Saadaq Eenow.