• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Caqabadaha Haysta Dib-U-Eegista Dastuurka Soomaaliya

Bilan Media by Bilan Media
March 4, 2018
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
15
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Soomaaliya waxaa ay soo martey taariikh Dastuur sameyn laga soo bilaabo xiligii xoriyadda. Waxaa jira ilaa afar Dastuur iyo laba Axdi oo la sameeyey tan iyo intii aan xoriyadda qaadanay. Waxaa ay kala ahaayeen sidatan; Dastuurkii 1960, Dastuurkii 1979, midkii 1990 la diyaariyey iyo kan hadda aan haysano ee 2012. Sidoo kale waxaa jirey laba Axdi KMG oo kala ahaa kii Carta 2000 iyo Axdigii Federaalka ee 2004.

Dastuurka hadda inoo yaala una baahan dib u eegista waxaa uu marayaa sanadkii 6aad oo uu keliya u baahan yahay dib u eegis iyo dhameystir shaqadii la soo qabtey 2012. Sida aad ka arkeysaan farqiga u dhaxeeya Axdiga 2004 iyo ansixinta Kumeel gaarka ee 2012 la ansixiyey Dastuurkan, waxaa uu soo jiitamayey ilaa ilaa 8 sanno in la helo qabyo qoraalka Dastuurka aan hadda haysano. Balse waxaa la siimaraya in qabyada la dhameystiro 6 sano ayadoo aan weli la ogeyn goorta uu dhamaan doono.

Sida uu qabo Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 gaar ahaan qodobada 63aad iyo 71aad, awoodda wax ka bedelka Dastuurkan waxaa iska leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Baarlamaanka Federaalka waxaa uu doortey Guddi ka kooban 10 xubnood sida uu qabo qodobka 133aad ee Dastuurka. Guddigan oo loo yaqaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegitsa Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la soconaya, tilmaamaya, islamarkaana ansixinaya howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, guddigaas oo uu dhisayo Qodobka 134 si uu u sameeyo wax-ka-beddelka Dastuurka iyo qoris shuruucda. Sidoo kale qodobada 133 iyo 134 ayaa qaba in Dawlad goboleed kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ay min hal ergey ku soo darsadaan labada Guddi (Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan). Wasaaradda arimaha Dastuurka dowrkeeda dib u eegista Dastuurka waxaa ugu muhiimsan fududeynta howlaha labada guddi, isku xirka hay’adaha ka shaqeeya Dastuurka iyo in si gaar ah ay diiradda u saarto arimaha ay tahay inay kawada hadlaan xukuumadaha heer federal iyo heer dawlad goboleed sida qodobada 44, 54 iyo 122. Waxaa intaas dheer in dawlad goboleed kasta ay leedahay wasaarad dastuur iyo guddiyo Baarlamaan oo si gaar ah ay tahay inay dowr ku yeeshaan dib u eegista Dastuurka.

Qormadan gaaban waxaan u qorayaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago fahamkayga mudadii halka sano ku dhowaadka ahayd ee aan ka tirsanaa Guddiga La socodka dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si aan u ifiyo meesha ay wax marayaan iyo caqabadaha jira.

Ilaa iyo inta uu dhisnaa Baarlamaanka 10aad iyo Xukuumadda hadda shaqeysa waxaa jirey dadaalo badan oo ah in howsha dib u eegista Dastuurka ay horey u socoto. Waxaa la dhameystirey labada guddi ee aan kor ku soo xusey, waxaa la diyaariyey Qorshaha Tubta dib u eegista Dastuurka iyo in la saxiixay Is-afgarad dhexmarey hay’adaha heer federal ee loo xilsaarey dib u eegista Dastuurka, inkastoo aaney weli jirin is-faham la taaban karo. Balse waxaa jira xaqiiqo aanan ka qarin karin Bulshada Soomaaliyeed oo ah in aan weli wax la taaban karo la qabanin dhowr caqabadood darteed. Caqabadahaas waxaa ka mid ah:

  1. Qaabdhismeedyo tiro badan: Sida aad ku aragteen horudhaca qoraalkayga, waxaa jira qaabdhismeedyo tira badan oo horseedaya inuu adkaado qaabka go’aan qaadashada islamarkaana keenaya khilaafaad joogto ah. Waxaa jira Baarlamaanka Federaalka (Guddiga La socodka), Wasaaradda Dastuurka ee Federaalka, Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista Dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee dawlad goboleedyada, Baarlamaanada dawlad goboleedyada (guddiyada dastuurka), la taaliyaal xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha iyo sida laga yaabo kuwa lataliya dawlad goboleedyada. Tusaalooyinkaas waa hay’adaha Dawliga ee Soomaaliya oo keliya!
  2. Mudnaansiinta dib u eegista Dastuurka: Marka laga hadlayo in dawladi arin muhiimad siinayso waxaa lagu gartaa in miisaaniyad la siiyo, laga dhigo qorshayaasha ugu horeeya, ka hadalkeeda la badiyo islamarkaana ficil lala yimaado degdeg wax looga qabto. Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka labadaba waa ay gaabiyeen ayaan dhihi karaa inay dib u eegista Dastuurka ka dhigtaan ahmiyadda kowaad. Madaxweynahana waxay ahayd inuu kor kala socdo oo uu ku kontoroolo xukuumadda inay ka dhabeysey balan qaadkeedii ahaa inay ahmiyad siineyso Dastuurka.
  3. Miisaaniyadda dib u eegista Dastuurka: Waxaa ay xukuumaddu balan-qaadey Baarlamaankuna ansixiyey ilaa 3 million oo doolar oo lagu fuliyo qorshaha dib u eegista Dastuurka, balse weli wax fara ugu jira guddiyada dastuurka ma jiraan si ay howlihii u qorsheysnaa u fuliyaan. Arrintaas waxay keeneysaa in hay’adaha ajnabiga loo kala hormaro lagana sugo inay kuu maalgeliyaan Dastuur Soomaali leedahay!
  4. Dano Gaar ah: waxaa jira caqabado badan oo ka imaanaya shakhsiyaad kuna saleysan in natiijada dib u eegista Dastuurka ay noqoto mid ayaga farxad gelisa haddii kale ay is hor istaagaan inuu horey u socdo Dastuurka. Waxaa intaas dheer in kuwa kale ay ka leeyihiin dano dhaqaale oo ay rabaan inay mashruuc la maalo ka dhigtaan una irmaanaado sanado soo socda.
  5. Arrimaha heshiis siyaasadeed u baahan: waxaa ay Baarlamaankii 9aad ka sheegteen in arrimaha siyaasiyan la isku haysto ay caqabad yihiin. Arrimahaas oo weli taagan waxaa ka mid ah qodobada 8aad, 9aad, 44aad, 54aad, 122aad iyo guud ahaan cutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad. Weli caqabadahan waa ay taagan yihiin waxaana laga yaabaa inay sii ragaadiyaan dib u eegista Dastuurka.
  6. Ajnabiga: Inkastoo ay Soomaali ahaan qalad nagu tahay in shaqada inoo taalo aan ku eedeyno in ajnabiga caqabad ku yihiin, hadana waxaa jira hay’ado caalami ah iyo kuwa UNka oo gacmaha kula jira arrimaha dib u eegista Dastuurka iskuna daya inay Soomaalida u yeeriyaan sida ay wax u qabsanayaan islamarkaana u kala warqaada. Muddadii 13ka sano ahayd ee Dastuurkan sameyntiisa iyo dib u eegistiisa soo socotey waxaa lagu qiyaasay ilaa $60 malyuun oo doolar inay ku baxdey laakiin siyaabo qaldan loo isticmaaley waxaase ka sii daran in weli ay socoto oo tobonaan malyuun oo doolar lagu gorgortamayo. Soo ma ahayn beesha caalamka inay iska joojiyaan lacagahaas haddii aaney natiijo soo saareynin?

Haddaba Dastuurka Soomaaliya iyo dib u eegistiisa waxaa loo baahan yahay in caqabadahan iyo kuwo kaleba looga gudbo mas’uuliyad wadareed iyo mid hay’adeed. Waxaana loo baahan yahay in hay’adaha Dastuuriga ah oo uu ugu horeeyo Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha, xukuumadda, dawlad goboleedyada iyo guud ahaan dadweynaha uu mid walba qaato dowrka kaga aadan sidii lagu heli lahaa Dastuur dhameystiran oo ay raali isaga yihiin dhamaan Soomaalida.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud,

Xoghayaha Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Previous Post

PM Khaire In US As Somalia Pushes On For Debt Relief

Next Post

Keep Off Somaliland & Deal With Your Problems, Opposition Leader Warabe tells PM Khaire

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post

Keep Off Somaliland & Deal With Your Problems, Opposition Leader Warabe tells PM Khaire

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

by Liban
July 15, 2025
0

Mogadishu  – In a landmark moment for the Horn of Africa, Somalia officially opened the 34th Policy Organs Meeting of the...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
English News

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00