Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa kulankii labaad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Cusub ee Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxtooyadda Qaranka.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Saddex qodob oo kala ah 1- U Codeynta Xubin Magacaaban ee Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, 2- Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka Dakhliga iyo 3-Akhrinta 1aad Dib Ugu Noqashada Miisaaniyada 2019.
Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan in uu Maanta jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii Sabtida aheyd Akhrinta Koowaad marsiiyay Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.