Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan waxa ay ku yeelanayaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-Bisha July 2019,ayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.
Xalay ayaa waxaa loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka fariimo ku aadan in uu jiro kulan,isla markaana looga baahan yahay inay ka soo qeyb galayaan si uusan u baaqan kulankaas.
Qaban-qaabada kulanka Xildhibaanada ayaa ka socota Xaruntooda Magaalada Muqdisho,isla markaana waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u bilowdo,kaasi oo Ajendihiisu yahay Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.