Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa looga yeeray Wariyeyaasha ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa Caalami ah ee dibadda ee ku sugan dalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si rasmi ah waxaa loogu shaaciyay in Maanta sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 6-ka Bisha Luulyo 2019, ay Wasaaradu qaban doonto Kulan gaar ah.
Hayeeshee lama faahfaahin waxa looga hadlayo kulankaas gaar ah oo ay qaban dooto Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana waxaa Wariyeyaasha ka howlgala gudaha iyo kuwa Caalami ah ee dibadda laga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulanka.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale Xarunta Wasaaradda looga yeeray Wariyeyaasha,iyadoo Shir Jaraa’id uu qabtay Wasiir Axmed Ciise Cawad,kaasi oo lagu shaaciyay in xiriirka dowladda Soomaaliya u jartay Jamhuuriyadda Guinea.