Agaasimihii Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Xasan Kulmiye ayaa ku dhawaaqay inuu maanta iska casilay xilkii uu ka haayay Wasaaraddaas oo ahaa Agaasimaha guud.
Qoraal uu soo saaray Maxamed Kulmiye ayaa waxaa uu ku sheegay inuu go’aansaday inuu iska casilo xilka, wuxuuna xusay in xilligaan aysan mudneyd in siyaasad iyo ganacsi loo isticmaalin howlaha Gurmadka ah iyo isku xerka mashaariicda Xasilin.
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale Qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan Caqabado badan oo heysta Wasaaradda, isagoona u mahadceliyay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guure oo ay soo wadashaqeeyeen.
“HirShabelle oo ay ka jirto xaalad adag oo colaad iyo abaarba leh dagaalna kula jirto Alshabab waxey xilligaan mudneyd inaan siyaadad iyo ganacsi loo isticmaalin howlaha Gurmadka ah iyo isku xerka Mashaariicda Xasilin ee deegaannada mudan loogu tala galay, waxey mudneyd hoggaan sare oo leh Han” uu ummada ugu adeego Dowladdana ku daa-dejiyo” ayuu yiri Maxamed Kulmiye.
Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Xuseen Cali Guudlaawe xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeellle Magacaabay Nuur Xasan Sheekh Muuse, kaasi oo bedelaya Maxamed Xasan Kulmiye.