Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkaco ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta lagu dhaawacay Agaasime ku xigeenka Radio Gaalkacyo ee Waqooyiga Magaaladaas.
Agaasime ku xigeenka oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Siyaad ayaa waxaa la sheegay in dhaawaciisa uu ka dambeeyey askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland.
Xilliga la dhaawacayey Agaasime ku xigeenka ayaa waxaa shir saxaafadeed ugu yeeray taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Mudug ee Puntland,balse waxa la sheegay in uu dhagax Madaxa uga dhuftay Askari ka tirsan Ciidamada Puntland.
Laamaha amniga ee Gobolka mudug Puntland weli kama hadlin falkaas ,balse waxaa Wariyeyaal ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo ay sheegeen in askarigii falkaasi geystay xabsiga la dhigay.