Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa ku geeriyootay Shil Maanta ka dhacay agagaarka isgoyska oo kala qeybiya Isgoysyada Xamarweyne iyo Xamar Jajab ee Magalada Muqdisho.
Labada ruux ay geeriyootay ayaa waxa ay saarnaayeen Mooto Bajaaj,kuwaas oo kala ahaa darawalkii mootada iyo ruux uu waday.
Mooto Bajaajta ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in ay ku dhacday gaari nooca Xamuulka qaada ka sokow dhimasahda,waxaa bur bur xoogan soo gaartay mootadii.
Shilkaan sababay dhimashada ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay shil gaari oo ka dhacay Laba dhagax uu ku geeriyooday hal ruux.