Laamaha mniga Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ilaa laba ruux loo qabtay qaraxyadii is xigay ee xalay ka dhacay agagaarka isgoyska dabka ee Magalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Muqdisho Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in laamaha amniga ay weli wadaan baaritaano,isla markaana labada ruux ee loo qabtay ay yihiin kuwo lagu tuhmayo qaraxyadaas.
Mid ka mid ah Gawaarida qaraxday ayaa waxaa lahaa Pro Yaxye sheekh Caamir,waxaan ku dhintay Walaakiis Cumar Sheekh Caamir.
Inta badan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magalada Muqdisho ayaa saraakiisha laamaha amniga waxa ay sheegaan in ay dad u hayaan welina majirto cid maxkamad loo soo taagay oo lagu ciqaabay.