Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in Maanta wixii ka dambeeya ay Go’aan ka gaari doonaan Xildhibaanada Khilaafka ka jira ee lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaahaarey ee Gobolka Gedo.
Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay furitaanka kulanka haatan u socda Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in kooramka aysan ku jirin Xildhibaanada khilaafka ka jiro, isla markaana khilaafaas ay xal ka gaari doonaan.
Wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha in fadhiga Golaha ay farriisan doonaan oo kaliya Xildhibaanada sharciga ah ee uusan buuq ka jirin, isagoona xusay in Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaahaarey aan lagu dari doonin kooramka.
“Xubnaha Ceelwaaq iyo Garbaharaay waxaan u sheegayaa in maanta wixii ka danbeeya go’aan aan ka gaari doono way fadhin karaan maanta laakiin tirada kuma jiraan ” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa caddeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo qabto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, maadaama doorashada dalka ay dib u dhacday muddo laba sanno ah.