Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in la faashiliyay weerar qorsheysan oo la doonayayn in habeenimadii xalay aheyd laga fuliyo gudaha Magaaladaas.
Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa fashiliyay weerarkaas oo la doonayay in lagu qaado gurriga Guddoomiyana degmada, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland.
3-Ruux oo hubeysan lana tuhunsan yahay in ay weerarkaas fulin lahaayeen, ayaa kahor isku daygooda weerarka, si lama filaan ah dhexda ugu galay Ciidamada Ilaalada Guriga Guddoomiye Cabdisalaan Bashiir.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in raggaas laba kamid ah ah ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, halka mid kalena la qabtay, isaga oo dhaawac ah, isla markaana la geeyay Xarun Caafimaad.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in markii Isbitaalka lageeyey Ninka la dhaawacay uu isku dayay in uu qoriga ku qabsado Askar ilaalinaysay, Qeybta RAAJADA X-RAY ee gudaha Isbitaalka Boosaaso, balse ayaa rasaas laga maqlay, waxaana mar kale la dhaawacay ninkii la qabtay oo isku dayay inuu baxsado.
Ciidanka ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyagoo howlgalkaas ku raadinayay raggii hubeysnaa ee baxsaday.