War qoraal ah oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay dib u heshiisiinta loo sameeynayo beelaha dega deegaanada Galmudug ee ka socota Magaalada Dhuusamareeb.
Maxamed Cali Guyo oo ah Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabisan IGAD ayaa waxaa uu soo dhaweeyay dadaallada dib heshiisiinta loogu sameeynayo beelaha Galmudug,isla markaana waxaa ku ammaanay Galmudug sida wanaasagn ay howshata u socoto.
Warka ka soo baxay Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya ee IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in muhiim ah ay tahay in la qaato  dib u heshiisiin dhab ah is loo dhiso Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.
Beesha Caalamka ayay ku bogaadiyeen sida ay gacanta uga geysaneyso Arrimaha Galmudug,waxaana IGAD ay tilmaamtay inay ka go’an tahay taageerida Galmudug.
Sidoo kale Urur Goboleedka IGADÂ ayaa xusay inay doonayan in Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ay noqoto mid ku dhacda si xor,isla markaana maamulkaas uu yeesho Galmudug mid ah.
Ugu dambeyntii IGAD Warka ka soo baxay ayaa waxaa aan lagu xusin dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaanada Galmudug,isla markaana ay ugu dib u heshiisiin dhab ah ugu sameyneyso beelaha dega Galmudug.