Al-shabaab ayaa Maanta soo bandhigtay Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xasan Cumar Axmed Xasan Mahdi.
Al-shabaab ayaa Agaasimihii hore ee Hirshabeelle ku soo bandhigtay Gobolka Hiiraan,kaasi oo Agaasime u ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare lana soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble,hayeeshee markii dambe uu shaqada isaga tegay.
Sidoo kale Xasan Cumar Axmed oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in muddo sedax bilood ah uu agaasime u ahaa Madaxtooyadda Hirshabelle,isla markaana uu la shaqeyn jiray Madaxweyne Waare,isagoo shaaciyay inuu isaga baxay arrimaha Siyaasadda.
Dhinaca kale Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Xasan Mahdi uu tegay deegaanada Al-shabaab,isla markaana uu mudooyinkii dambe ahaa nin Ganacsade ah.