Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Buulo-Burte ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dadka deegaanka Buulo-Burte oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markana ay maqlayeen jugta rasaas culus.
Sidoo kale Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan,wallow markii dambe uu istaagay.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas oo soo kala labada dhinac,In kastoo aan si rasmi ah oo ogeyn,maadaama xili habeen ah ay aheyd.
Maamulka Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan oo aan xiriiro kala duwan la sameeynay si aan wax weeydiino dagaalka ayaa ka gaabsaday in faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan.
Si kastaba dagaalkaan ka dhacay Degmada Buulo-Burte ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo shalay dagaalkan u dhexeeyay Ciidanka Hirshabeelle iyo Al-shabaab uu ka dhacay Degmada Jalalaqsi,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in halkaas ay ku dileen 5Â Askari oo ka tirsan Ciidanka Hirshabeelle.