Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle oo Shir jiraa’iid Xalay ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaas ayaa ka hadlay wararka Siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa deegaanada Maamulkaas.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa todobaad ka hor waxa ay soo jeediyeen Mooshin ka dhan ah Madxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare inkasta oo markii labaad ay ka laabteen.
Odayaasha ayaa uga digay Xildhibaanada in ay ka wantoobaan carqaladda ay ku hayaan deegaanada Maamulkaas iyaga oo shaaciyay in xubinnimada kala laaban doonaan Xildhibaankii Mooshin ka keena Madaxweynaha.
           Halkaan Ka Daawo Warbixinta.