Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soobaxaysa howlgal xalay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyin Gobalka Banaadir iayada oo howlgalkaas lagu baadi goobayay dhalinyaro habiinkii dhac ka geysta Muqdisho.
Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho waxaana howlgalkaas la sheegay in lagusoo qabtay dhalinyaro isticmaaleeysay waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwo wata Midiyo oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa ay ka cabanayaan Shacabka.
Dhinaca kalana labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa degmooyinka Gobalka Banaadir waxaa aad loogu arkayay Ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyay degmooyinka Gobalka Banaadir iyaga oo roondooyin ka sameynaya Xaafadaha looga shakisanyahay in dhacu uu ku badanyahay.
Wasaaradda Amniga iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa isku afgartay qorshe wax looga qabanayo Amni darada sii xoogeysaneysa ee ka jirta degmooyinka Gobalka Banaadir oo ay ugu badantahay dhaca hubeysan ee Shacabka iyada oo laga qaadanayo Moobeilada ay wataan iyo agabka kale ee muhiimka u ah.