Safaaradda Shiinaha ee magaalladda Washington ayaa soo saartay Digniin dhinaca Ammaanka ee Muwaadiniintooda u socdaalaysa dalka Maraykanka, waxayna Digniintan soo baxday xilii ay xiisad dhinaca Ganacsiga ka dhexeyso labada dal.
Safaaraddu waxay Dalxiisayaasha Shiinaha uga digeen inay ku baraarugsanadaan arrimaha oo ay ku jiraan Kharajka Cafaimaadka ee qaalliga ah, cabsida Toogashadda, dhaca, qabsashadda Wakiilladda Canshuuraha. Khiyaanadda dhinaca Isgaarsiinta iyo Masiibooyinka Dabiiciga
Digniintaasi oo lagu soo daabacay Websaytka Safaaradda Shiinaha ku leedahay Maraykanka waxaa kaloo Muwaadiniintooda looga digay inaysan keligooda habeenkii socdaalin iyo inay taxadar u yeeshaan waxa ka dhacayo hareerarhooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha oo wax laga weydiiyey Digniintaas waxay sheegtay inay caadi tahay in Muwaadiniinta looga digay dhacdooyinka ay la kulmi karaan, iyadoo ay Dalxiisayaal badan xilliyadda Kulaylaha u soo socdaalaan Maraykanka
Digniintan waxay ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Shiinaha iyo Maraykanka isku maan-dhaafsan yihiin Canshuuraha laga qaado Badeecadaha loo ganacsi geeyo labadaas Waddan.