Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaah Hosoe ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Ismiidaamin ah lagu weeraray Kolonyo ay la socden ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Kolonyada ayaa xilliga qaraxa lagu weerarayay waxa ay marayeen Baar Isamaciil,waxan lagu soo waramayaa in ruux watay gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa uu ku dhuftay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan ayaa dadka Xaafada Baar Ismaaciil ay sheegeen in uu qaraxaasi ka dhashay.
Warar ay Al-Shabaab ku qoreen Bogga ay Wararka ku qoraan ayaa waxa ay ku sheegeen masuuliyadda weerarkaas Ismiidaaminta ah,iyaag oo shegay in ay dileyn 12 Askari.