• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Falaanqeyn): Sacuudiga oo walaac xooggan ka qaba inay Iiraaniyiinta saamayn ku yeeshaan Mandiqadda Geeska Afrika.

Bilan Media by Bilan Media
February 23, 2017
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waa hubaal marka ay Labo Hoggaamiye Qaran kulan yeeshaan inay Ajendayaasha ay ka wada hadlayaan yihiin kuwo salka ku haya Xiriirka Labadooda iyo Danaha Khaaska ee Dadkooda iyo Dalalkooda.

Dowladda Sacuudiga oo ka mid ah dalalka ugu hodansan Caalamka ayaa waxa walaac xooggan ku haya Xasaasiyadda Dowladda Iiraan ee ay isugu ballaarinayso dalalka kaabiga ku haya Gacan-biyoodka Baab Al-mandab, waana qoddobka Koowaad ee Maamulayaasha Sacuudiga ku khasbay inay faragelin ku sameeyaan Dagaalka ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka wadaan gudaha dalka Yemen.

Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan waxaa ka dhexeeya Loolan dhan kasta ah, inkastoo uu khilaafkooda haatan ku salaysan yahay Dagaalka sokeeye ee ka socda dalalka Syria iyo Yemen, haba ugu darnaadee dagaalka Yemen.

Sannadkii hore, Dowladda Sacuudiga waxay Shirar la yeesheen Madaxda dalalka Somalia, Jabuuti, Ethiopia iyo Eritrea, si ay uga hortagaan Khatarta Dowladda Iiraan.

Image result for ‫خادم الحرمين الشريفين يعقد جلسة مباحثات رسمية مع رئيس جمهورية الصومال‬‎

Waxaa la asaasay Isbahaysi Milliteri oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, waxaana la dejiyey Istaraatijiyad mideysan oo looga hortagayo inay Iiraan galaangal Milliteri ku yeeshaan Badda Cas oo ah Marin-biyoodka ay inta badan Maraakiibta shidaalka ka gudbaan.

Dowladda Sacuudiga waxay indhaha ku haysa Isbedelka Xilliga Kala-guurka Siyaasadda ee Somalia iyo Walaaca Tooska iyo midka Dadban ee ay Dowladda Iiraan ku yeelan karto Dowladda cusub ee Somalia.

Iyadoo laga ambaqaadayo Walaacaasi, waxay Dowladda Sacuudiga door bideen inay Madaxweynaha cusub ee Somalia casuumaan, si ay u miisaamaan Qorshihiisa Siyaasadda iyo Aragtida uu ka qabo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Iiraan la lahayd Somalia, kaasi oo la jaray sannadkii hore.

La-taliyayaasha Madaxda dalalka Gacanka Carabta ayaana ku baaqay in boorka laga jafao Dareenka Iiraan-diidka iyo in Madaxda cusub ee Somalia lala wadaago Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, oo ay Somalia xubin ka tahay, inkastoo aysan Ciiddan Somali ah qeyb ka ahayn Isbahaysigaasi.

Dareenka ugu weyn ee Dowladaha Gacanka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka qabaan ayaa ah inay Dowladda Iiraan dhaqaale badan ku bixiyaan si ay galaangal ugu yeeshaan inay Jaal la noqdaan Soomaalida, lana soo celiyo Xiriirkii Diplomaasiyadeed.

Baraaruga Dowladda Sacuudiga ee xilligan ayaana loo aanaynaa Tuhunka inay Dowladda Iiraan saamayn ku yeesheen Doorashaddii dhawaan ka dhacday Somalia, waana qoddobkaasi waxa soo dedejiyey in Madaxweyne Farmaajo lagu casuumo dalka Sacuudiga.

Xeeldheerayaasha ayaa tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga horey 4 milyan oo Dollar u siisay Dowladdii Federalka, kadib, markii ay Dowladda Iiraan u jareen xiriirkii Diplomaasiyadeed.

Diplomaasiyiinta Carabta ayaana rumeysan in loo baahan yahay in Madaxda cusub ee Somalia lagu adkeeyo Heshiiska, lagana hortago in dib loo soo celiyo  nooc kasta oo Xiriirkii Iiraan amaba laga kireeyo Saldhig Diyaaradeed ama Deked.

Sirdoono Reer Galbeed ah ayaa rumeysan inay Dowladda Iiraan dadaal ugu jirto Is-faham ay la gaaraan Dowladda cusub ee Somalia, si loo caadiyeeyo Xiriirka Diplomaasi, Ganacsi, Amni ee labada dal.

Dareenka Sacuudiga ku qoonsatay Dowladda Iiraan ayaa weli ah Khatar Taagan, una baahan yahay inay Dowladda cusub ee Somalia ka helaan Ballanqaad Iiraan-diid ah, si ay Sacuudiga taageero Dhaqaale oo aan xadidnayn ku taageeraan Dowladda Cusub.

Waxaa kaloo  isa soo taraya hadal-haynta lagu sheegayo in Dowladda iiraan si dadban ugu lug lahayd Doorashadii Madaxtinimadda ee Somalia, waxaana la tilmaamaa inay gacan 3-aad dhaqaale loo  soo marsiiyey ugu yaraan dhowr Murashax, kuwaasi oo u adeegsaday Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee lagu kala baxay bishan February 8-dii.

Lama shaacinin Murashixiinta dhaqaalaha Iiraan ku galay Doorashadda, balse, waxaan shaki ku jirin inuu Murashax kasta uu ku tiirsanaa Dowlado, Hay’addo Caalami, Shirkado ama Ganacsato oo ka taageerayey Kharajkaku baxay Ololaha Doorashadda.

Si kastaba ha ahaatee, Galaangalka Milliteri ayaa ah mid muuqda, iyadoo ay Ciiddanka Caalamiga ee joogta Badda Cas iyo Badweynta Hindiya dhowr jeer qabteen shixnado Hub oo ay iiraan u soo dirtay Somalia iyo Yemen.

Xuquuqda Warbixinta waa mid khaas  u ah Radio Dalsan 

©Radio Dalsan

image 0

image 1

Previous Post

(KHAAS): Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga oo kulan ku yeeshay Qasriga Al-yamaamah.

Next Post

Ra’isul wasaare Kheyre oo saamiga uu kulahaa shirkadda Soma Oil and Gas la baxay iskana casilay shaqadii shirkadaas.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

May 10, 2025
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Next Post

Ra’isul wasaare Kheyre oo saamiga uu kulahaa shirkadda Soma Oil and Gas la baxay iskana casilay shaqadii shirkadaas.

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee maanta ayaa baaqday, kaddib markii xildhibaannadu waayeen waddooyinkii ay ku tagi lahaayeen xarunta...

BBC

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Horaantii toddobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, iyadoo jawaab uga dhigtay weerar...

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Roob mahiigaan ah oo si xooggan uga da’ay magaalada Muqdisho habeenkii xalay ayaa sababay daadad xooggan oo geystay khasaare naf...

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee...

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

"Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran"

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
India Labels Pakistan Drone Attacks a “Dangerous Escalation of Hostilities”
Wararka Idaacadda

India Labels Pakistan Drone Attacks a “Dangerous Escalation of Hostilities”

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
  • 1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan
  • Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
  • “Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00