150-Cunto-kariye oo loo kireeyey Boqorka Sacuudiga oo booqanaya Indonesia.

Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaminayo ayaa saakayto ka degay Saldhig Milliteri oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Jakarta.

Boqorka  oo 81-jir ah waxa uu hoggaaminayaa wafdi ka kooban 1,500 oo qof, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweyne Joko Wododo iyo Hoggaamiyayaasha Dinta, ka hor inta uusan booqnanin Masjidka Jaamaca ee Istiqlaal oo ku yaalla magaalladda Jakarta.

Ugu yaraan 9,000 oo Ciiddamo ah ayaa loo diyaariyey sugidda Ammaankiisa muddada uu booqnayo dalkaasi.

Warbaahinta dalka Indonesia ayaa sheegtay in 150 Cunto-kariyaal la  soo  kireeyey, si ay u kariyan Cuntadda Xafladda Boqor Salmaan.

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media