Saraakiissha Boliska ee dalkaasi aayaa sheegay inuu dabku Waaberigii hore ee saakayto ka kacay Baar lagu magacaabo The Cuba Libre oo ku yaalla magaalladda Royen, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 13 qof, kuna dhaawacmeen 6 kale.
Wararku waxay sheegayaan inay halkaasi ka socotay Munaasab Xaflad Dhalasho oo ay dadku ilaa xalay ku caweynayeen Baarkaasi.
Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa waxay da’dooda u dhexeysay 18 ilaa 25 jir, sida ay Warbaahinta Faransiiska qoreen.
In ka badan 50 ka tirsan Ciiddanka Dab-damiska ayaa ka qeyb qaatay Hawlaha lagu daminayey dabkaasi.
Dhinaca kale Hadal qoraal oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Bernard Kazenevue ayaa sheegay inay socdaan baaritaanka waxa sababay dabkaasi.
Ilo ku dhow Baarayaasha ayaa sheegay in laga yaabo inuu dabku ka kacay shumacyada ku hareersanaa miiska uu saarnaa Keega loogu talagalay Xafladaas Dhalashadda.
©Radio Dalsan