Maamulka koonfur galbeed ayaa wada qorsho ka dhan ah dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab si looga saaro deegaanada ay ka joogaan koonfur galbeed.
Taliyaha Booliska koonfur galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo warbaahinta lahadlay waxaa uu sheegay inay xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda degaanada koonfur galbeed oo uu xusay in ujeedkoodu yahay inay ka saaraan Shabaab deegaanada Maamulka.
Taliyaha ciiddamada booliska maamulka koonfur galbeed waxaa uu ugu yeeray shacabka inay la shaqeeyaan ciiddamada amaanka oo ay siiyaan xogaha ku aadan Amniga.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Taliyaha.