Dowladda Turkiga oo ansixisay Heshiis Is-faham oo ay DFS la gaareen.

Dowladda Turkiga waxay hadalkaasi ku sheegtay qoraal shalay lagu soo daabacay Faafinta Rasmiga ee dalkaasi, waxayna Dowladda Turkiga si rasmi ah u oggolaatay  Heshiiska Is-fahamka (MoU) ee ay DFS la gaareen bartamihii bishan June, kaasi oo ku adaanaa inay Labada Dowladood iska kaashadaan Kalluumeysiga iyo beerista Kalluunka (cooperation in fishing and fish farming).

Heshiiska Is-fahamka ee labadooda Dowladood waxa uu dhigayaa inay Somalia iyo Turkiga iska kaashan doonaan Khayraadka Badda Somalia, iyadoo la muujinayo Mas’uuliyad Khaas ah iyo inay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFS awood u leedahay inay u fasaxdo  Doonyaha iyo Maraakiibta Kalluumeysiga ee Turkiga inay ka kalluumeysan karaa Xuduud-baddeedka Somalia.

Heshiiska waxa kale oo uu dhigayaa in ay Labada Dowladood hagaajiyaan Nidaamka lagula soconayo Kalluumeysiga.

Qoraalka ka soo baxay Dowladda Turkiga waxaa kaloo lagu sheegay in la samayn doono Guddi Wadajira ee Kalluumeysiga Labada Waddan, kwuaasi oo la filayo inay Kulankooda ugu horreeya bisha Janaayo ee sannadka soo socda ku yeeshaan Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Xigasho: Anadolu News Agency (AA)

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media