Haweeney isku-dishay degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Haweeney ay Maanta Wabiga isku-riday kadibna sidaasi ay ku geeriyootay.

Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Maryan Xaaji Abuukar Sh. Axmed Ziyaar ayaa ka mid aheyd dadka deegaanka,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in Maanta ay tagtay Buundada Degmada Balcad oo uu Wabiga maro,ka dibna ay isku tuurtay,balse daqiiqado kadib laga soo saaray iyada oo nafta ay weli ku jirto kuna geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada oo la geeyey.

Ehelada Marxuumada ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in maalmahaan ay aheyd qof xanuunsan oo madaxa looga jiray balse saakay ay ka warheleen,iyada oo wabiga isku tuurtay.

Dadka ku nool degmada Balcad oo aad uga naxay dhacdadaas ayaa manta hadal haaya,waxana la sheegay in Haweyda ah aheyd Hooyo dhowr Carruur ah heysato.

Goordhow la socda Wareysi kuu saabsan haweeneyda isku-dishay degamda Balcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor