Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu dhigiisa Raashiya bartamaha bisha July ku kulmaan Caasimadda dalka Austria ee Vienna ama Caasimadda dalka Finland ee Helisinki.
Donald Trump ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Portuqiika, Marcelo Rebelo de Sousa xalay ku qabteen Aqalka Cad ee magaalladda Washington.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Madaxweynaha Raashiya la kulmi doona xilli ka mid ah Safarka uu bisha soo socota ku tegi doono Europe, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka wada hadli doonaan Xiriirka labada dal, Xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Yukrayn iyo Waqooyiga Kuurya.
Dhinaca kale, Madaxweyne Trump waxaa la filayaa inuu Ra’isul-wasaaraha dalka Talyaaniga, Giuseppe Conte bisha July 30-da kula kulmi doono Aqaalka Cad ee magaalladda Washington.