Fannaan loo xiray isagoo wax ka sheegay Madaxweyne.

Fannaan u dhashay dalka Zambia ayaa la xiray, kadib, markii la sheegay inuu qaaday Hees uu ku sharaf-tiray Madaxweynaha dalkaasi, Edger Lungu.

Fannaanka oo lagu magacaabo Chama Fuma oo 31-jir ah, bale lagu naanayso Pilato ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha ku tilmaamay mid had iyo jeer sarqaansan, isla markaana yahay Rajo-laawe.

Miraha Heesta uu ku aflagaadeeyey ayaa laga tiriyey nin lagu magacaabay Lungu oo si dar-xumo leh ku soo koray, kadibna Madaxweyne noqday.

Heesta Lungu waxaa kaloo lagu muujiyey Nin wata shandada Qamri nooca Jameson Irish whiskey, isla markaana aan wax feker ah ka qabin sida Dowlad loo maamulo.

Madaxweynaha dalka Zambia, Edger Lungu oo 58-jir waxa uu xilka Madaxweynaha loo dhiibay bishii January ee sannadkan,

kadib, markii uu ku guuleystay doorasho dhacday markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Michael Sata.

Boliska kama hadlin kiiska loo soo xiray Fannaanka Chama Fuma, wuxuuse muteysan karaa xabsi 6 bilood ama ganaax lacageed.

Waxaa Turjumay: Mohamed Osman Ali “Alpha”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor