Spain: Wiilkii Shandada “Suitcase boy” oo hooyadiisa la midoobay.

Wiil 8 jir ah oo bil ka hor laga dhex helay boorso nooca Dhoofayaasha qaataan ayaa waxa uu la midoobay hooyadiisa oo deggan dalka Spain.

Wiilka oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa waxaa la qabtay xilli isagoo ku dhex jira shandada ka soo gudbi lahaa xuduudka Ceuta ee dalka Spain.

Wiilka oo lagu magacaabo Adow waxa uu shalay  la midoobay hooyadiisa oo lagu magacaabo Luice Ouattara, taasi oo deggan Spain.

Aabihiisa oo lagu magacaabo Ali Quattara ayaa isagana damiin lagu sii daayey, kadib, markii la qabtay xilligii wiilkiisa sida qarsoodiga lagu soo gelin lahaa dalka Spain.

Aabaha ayaa la sheegay inuu Kooxaha Is-xambaarka siiyey lacag dhan €5,000, si ay ugu soo gudbiyaan dalka Spain.

Wargeyska El Pais ee ka soo baxa caasimadda dalka Spain ee Madrid ayaa qoray in Aabaha lagu soo daayey damiin lacageed oo dhan €5,000 si uu ula midoobo qoyskiisa.

Wargeyska kale ABC ayaa qoray inay Maxkamaddu amartay in aabahaasi laga sii daayo Xabsiga Algeciras, waxaana lagu amray inuu bishiiba hal mar Maxkamadda ka soo muuqdo, waxaana laga mamnuucay inuu dalka Spain ka dhoofo.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

 

WIILKII SHNADADAWIILKA SHANDADA IYO HOOYADIISA

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor