Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isagoo ka hadlayey munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta waxbarashada dadweynaha wuxuu hadal duurxul ah u diray mucaaradka dawladdiisa ka soo horjeeda.
“Soddonkii sano waxaa batay siyaasiyiin xanaaqsan. Siyaasiyiinta xanaaqsan dhaqankii ayey halleeyeen, waxay xalaaleeyeen beentii, iyo in aan la shaqaysan. Wax badan oo diinta islaamka ay diidayso ayey xalaaleeyeen” ayuu yiri.
Madaxweynaha wuxuu ku tilmaamay “siyaasiyiinta xanaaqsan” kuwo aan “mustaqbalka Soomaaliya dan ka lahayn oo ka hadla wax xun oo dadka qalbi jabinaya”.
Waa markii ugu horraysay ee uu madaxweyne Farmaajo weerar toos ah ku qaado mucaaradka ka horjeeda, inkastoo uusan wax magac ah sheegin.
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Daljir, xubinna ka ah baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaas, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Xildhibaan Fiqi wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii aadka ugu ololeeyey Madaxweynaha xilligii uu ku jiray doorashada madaxweynimada, horraantii sannadkii hore.
Qoraalka Xildhibaan Fiqi.