Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay soo saareyso sharci ka dhan ah Shabaab

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sh Cali diini iyo Xubno kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa Maanta Waxaa ay Gaareen Hotelka Maka Almukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Ayaa Waxaa uu Sheegay in Ciidamada Amaanka ay ku guuleesteen in ay soo badbaadiyaan dadkii ku sugnaa Hotelka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Xusay in Weerarkii Shabaab ay ku Qaadeen Hotelka Makka Almukarama ay ku geeriyoodeen 13 qof oo 4 kamida ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Dhanka Kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dhawaan dowladda ay Sharci Kasoo Saari Doonaan Hubka Sharci daradda ah ee Magaalada lagu dhex Wato iyo Kooxaha Ka dagaalama soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor