Xukuumadda Somalia oo amartay in la xiro Dad ka Ganacsada Cunnooyinka Gargaarka

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Wasaaradaas ay xaqiijiyeen in muqdisho lagu kala iibsado cunooyinka Gargaar ahaan loo keeno Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Cunnooyinka sida gaarka ah Suuqyada Muqdisho lagu kala gato ay yihiin Digir,Buskud, Malmalaato Haruur Iyo Cunnooyinka loogu talo galay Carruurta nafaqadarada ay heyso.

Warkan qoraalka ah oo uu ku saxiixnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu amray in ay soo xiraan dadka ka Ganacsada Cunnooyinkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media