Xukuumadda oo weli Dhuusamareeb ka wada Abaabul dagaal ka dhan ah AS

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallim Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi

Wasiir Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug iyo dhallinyaro.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay bilaawday, waxaana la filayaa sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply