Xukuumadda oo Sheegtay inay waddo qorshe wax looga qabanayo Biyaha Fariistay Caasimadda

Mauuliyiin Ka tirsan Dowladda ayaa booqasho ku tagay goobo ku yaalla Caasimadda oo ay saameeyeen Roobabkii shalay da’ay, waxaana qaybo badan oo ka mid ah Muqdisho xiray daadad xooggan oo dadka danyarta ah iyo gaadiidleyda si gaar ah u saameeyay.

Masuuliyiinta booqtay Goobaha Biyuhu fariisteen waxaa ay sheegeen in ay dawladdu ay waddo qorsheyaal wax looga qabanayo biyo dageennada markasta jara isku socodka qaybo ka mid ah Magaaladada.

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka Salah Jama oo ay wehliyaan xubno kamid ah Golaha wasiirada, Guddomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ayaa horkacayay kormeerka lagu sameeyay goobaha Biyaha ay fariisteen.

Qaybo badan oo ka mid ah Masgaalada Muqdisho waxaa fadhiya biyo aad u badan, waxaana xirmay waddooyin muhiim u ahaa isku socodka guud ee Caasimadda.

Waxaana Roobabkii xoogganaa ee shalay ka da’ay Muqdisho ay saameyn weyn ku yeesheen dadka danyarta ah, kuwasi oo Guryihii ay ku noolaayeen ay biyo qaadeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor