Raysal wasaaraha itoobiya oo dhex-dhexaadinaya labada janaraal ee isku haya Suudaan

Iyadoo ay weli dagaallo ka socdaan Suudaan ayaa waxa isasoo taraya baaqyada nabad ilaalineed ee loo jeedinayo dhinacyada isku haya dalkaasi.

Koonfurta Suudaan, UN iyo hadda oo Ethiopia ay kusoo biirtay ayaa reysal wasaaraha dalkaasi door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraya qalalaasaha ka taagan Suudaan.

Isagoo xaqiijinaya ku lug lahaanshaha Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in uu wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay labada Jeneraal ee dagaallamaya si uu ugu dhiirrigeliyo inay joojiyaan colaadda.

Xabbad-joojintii hore ayaa u suurtogelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalkaas, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda.

Muddo kordhin 72 saacadood oo kale ah ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor