Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Hailemariam Desalegn ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isku shaandheeyey Xukuumadiisa, hal maalin kadib, markii Xabsiyadda dalkaasi laga sii daayey 2,000 oo qof oo ka soo jeeda Qowmiyadaha ugu tirada badan dalkaasi ee Oramo iyo Amhara.
Waxa uu horey u ballan-qaaday Isku-shaandheyntaasi, kadib, markii uu bishii hore ee October soo rogay Xukunka Degdegga ee weli saaran dalkaasi.
Labada Xil Wasaaradeed ee ugu muhiimsan Xukuumadda Cusub ee maanta lagu dhawaaqay ayaa la siiyey Labo Siyaasi oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromo, waxaana Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibedda loo magacaabay Workneh Gebeyehu, oo horey u ahaa Wasiirka Gaadiidka.
Sidoo kale, Wasiirka Isgaarsiinta, ahna Afhayeenka Dowladda Ethiopia waxaa loo magacaabay Siyaasi Oromo ah oo lagu magacaabo Negeri Lencho, kaasi oo horey u ahaa Macallin Saxaafadeed.
Xukuumadda cusub waxaa aad ugu yar Siyaasiyiinta ka soo jeeda Tigreega, oo iyagu horey tiro badan ku lahaa Dowladihii soo maray dalkaasi, tan iyo markii uu Talada hayey Ra’isul-wasaarihii geeriyooday ee dalkaasi, Meles Zenawi.
Golaha Wasiiradda cusub ee Ethiopia waxaa ku jira 3 Haween, waxaana Golahaasi si degdeg ah u ansixiyey Barlamaanka dalkaasi oo dhamaantooda ka soo jeeda Isbahaysiga Hailemariam iyo Jabhadda EPRDF.
9 Wasiir oo ka mid ah Xukuumaddii hore oo ka koobnayd 30-xubnood ayaa loo dhaafay Xilalkoodii, waxaana ka mid ah Wasiirka Difaaca, Siraaji Fegessa iyo Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Demeke Mekonnen.
Wasiirka cusub ee Isgaarsiinta, ahna Afhayeenka Dowladda Ethiopia Negeri Lencho oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inuu Isbedelkan muhiim u ahaa Dibadbaxyaddii iyo Xukunkii Degdegga ee ka dhaqan galay dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Cusub ee maanta looga dhawaaqay dalka Ethiopia ayaa timid, kadib, markii ay Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Reer Galbeedka ku cadaadiyeen Ra’isul-wasaaraha Ethiopia inuu tixgeliyo Cabashada Dadweynaha iyo inuu qaado Tallaabooyin horseedi kara Isbedel Dimuqraadi iyo in la dhowro Xuquuqda Aadanaha.
©Radio Dalsan