Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay ineysan ahayn in Qaxootiga Soomaalida awod lagu soo celiyo

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in aysan ahayn imminka ahayn waqtigii qaxootiga Soomaalida awood loogu soo celin lahaa.

Wargeyska The Washington Post,ee dalka Mareykanka ayaa qoray in Cumar Cabdirashiid uusan imminka Kenya ka dooneynin iney awood ku soo celiso qaxootiga Soomaalida.

Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday iney xiri doonto xerada Qaxootiga Dhadhaab oo ah xerada qaxooti ee caalamka ugu balaaran.

Ku dhawaad 130 kun oo qaxooti ah oo u badan Soomaali ayaa halkasi ku noola tan iyo sanadkii 1992kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor